Home Afsomali Mashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay

Mashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay

Waxaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ku qabsoomay Shirka 17-aad ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.

Shirkaan oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa markaan waxaa si kaar ah diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo Ganacsiga dalalka Geeska.

Mashqruuca isku xirka Dalalka Geeska Afrika wajigiisa 1-aad waxaa nasiib u helay in lagu bilaabo Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo fulinta mashuuraacan uu masuul ka yahay Bangiga Horumarinta Afrika.

Waxaa si wada jir ah u saxiixay Mashruuca dhismaha Wadada isku xiri doonta Jabuuti iyo Soomaaliya Wasiirada maaliyadda labada dal Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Elyaas Muse Dawale

Previous articleBooliis Sabab u noqday geerida haweeney 95-sanno jir aheyd iyo qeylo dhaan ka dhalatay
Next articleOdowaa iyo sarkaal kale oosi hoose loogu dalacsiiyey sarkaalka ugu sareeyo dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.