Home Afsomali Masuul ka tirsan Maamulka Koofur galbeyd oo la dilay

Masuul ka tirsan Maamulka Koofur galbeyd oo la dilay

feer-iyo-jilib

Magaalda Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab ay degmadaasi ay ku dileen Ma’suul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa waxa ay dileen gudoomiye ku xigeenka qorshaynta iyo dib u dhiska degmada Marka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha ku xigeenka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda ugu caansan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana xilkaasi u magacaabay maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada oo la saxaafada u xaqiijiyey  falka dilka ah ee loo geystay gudoomiye ku xigeenka qorsheynta iyo sidoo kale dib u dhiska degmada Marka.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsan ,waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku badbadala Maleeshiyo beeleydo aad u ugu hubeysan agabka Dowlada

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.