Home Afsomali Mas’uul Ka Tirsanaa Dowladda Oo U Geeriyooday Dhaawac Ay U Geysteen Rag...

Mas’uul Ka Tirsanaa Dowladda Oo U Geeriyooday Dhaawac Ay U Geysteen Rag Hubeysan

Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku geeriyooday Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, kaasi u dhintay dhaawac kasoo gaaray Madaxa.

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa habeen hore Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxii hay’adda socdaalka ku furay rasaas xoogan oo waxyeelo ka gaarsiisay qeybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu soo gaaray dhaawac halis ah, lana geeyay Isbitaal.

Marxuum Cilmi Guuleed ayaa Isbitaalkii loo geeyay in xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalo ugu geeriyooday dhaawacii ay u geysteen raggii hubeysnaa oo isla habeen hore falka kadib goobta ka baxsaday, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu khaarijiyey Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, balse inta badan dilalka dadka mas’uuliyiinta loo geysto ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay labada dhinac ka kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale loogu dilay Nabaddoono caan ka ahaa Gobolka, Mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo dad kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.