Home Afsomali Masuul ka tirsanaa maamulka Somaliland oo iscasiladiisa soo dhigay Barta uu Facebook...

Masuul ka tirsanaa maamulka Somaliland oo iscasiladiisa soo dhigay Barta uu Facebook ku leeyahay

Agaasimihii Qorshaynta Somaliland Prof: Cabdi Cali Jaamac, ayaa sheegay sababta uu isu-casilay.

Agaasime Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa facebook waxa uu ku sheegay inuu ka tagay xilkii uu ka hayey wasaarada qorshaynta balse muu bixin faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha sababaha keenay inuu is casilo.

Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.

Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:

Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.

Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.

Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!

Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariyo!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.