Home Afsomali Masuul ka tirsanaa maamulka somaliland oo weerar toorey loo adeegsaday lagu dilay

Masuul ka tirsanaa maamulka somaliland oo weerar toorey loo adeegsaday lagu dilay

Deegaanka lagu magacaabo Qori Luqud ee gobolka Togdheer ayaa lagu dilay Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel

Dilka Isu duwaha ayaa yimid kadib markii nin ku hubeysan tooray uu soo weeraray Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel.

Isu duwaha ayaa la sheegay xililga la dilayey in uu howlo shaqo ka waday deegaanka Qori Lugud iyo deegaano u dhow, waxaana muran ka dhashay dhul laga qodayay deegaanka loo dilay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadigoob ugu jira ninkii dilka ka dambeeyay waxaana socda howlgalo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan dilka Mas’uulkan loo geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.