Home Afsomali Mas’uuliyiin & Saraakiil deg deg ku tegay degaanka Masjid Cali Gaduud

Mas’uuliyiin & Saraakiil deg deg ku tegay degaanka Masjid Cali Gaduud

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe M Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud oo halbowle u aheyd  Al-Shabaab balse laga saaray

Socdaalka waxaa ku wehlinayey Gudoomiyaha Taliyaha Guutada 16aad ee kumaandooska gorgor Generaal Gacmaduule sareeye gaas Cabdullaahi Macalin Nuur Corneel Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Hirshabelle Gudoomiyaha Degmada Raagacelle iyo mas’uuliyiin kale

Gudoomiyaha ayaa socdaal kuso maray wadooyinka dhexmara degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in gacan ku heynta Degaanka Masaajid Cali Gaduud ay kusoo laabatay Dowlada isla markaana shacabka looga baahanyahay in dib degaankooda ugu soo laabtan lana shaqeeyaan Ciidamada Amniga

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in uu dhamaaday Alshabaab waqtigooda dhawaana laga xureyn doono degaaanada kale ee ay kaga suganyihiin Gobolka Shabellaha Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.