Home Afsomali Masuuliyiinka tiran shirkada hormuud oo ku jira liiska shaqsiyaadka kenya ka mamnuucda...

Masuuliyiinka tiran shirkada hormuud oo ku jira liiska shaqsiyaadka kenya ka mamnuucda in ay galaan dalkooda

Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana khilaafka labada wadan ka dhaxeeya uu maalinbo maalinta kasii dambeysa sii galaya xaalad adag.

Dowlada Kenya ayaa hada wada qorshe ay dalkeeda uga mamnuuceyso 66-qof ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Xubno katirsan dowlada Federaalka, saraakiil ciidan , ganacsato iyo dad kale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in uu helay xogta 66-qof oo Soomaali ah ay Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso, waxaana dadkaasi ku jira wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard dadka Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso ayaa waxaa ku jira dad kasoo jeeda Qabiilka Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo heesta dhalashada dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sii wada cadaadiska ay ku heyso dowlada Soomaaliya , waxa ayna Kenya dooneysaa in dowlada federaalka ka laabato kiiska dacwada badda ee Maxkamada caalamiga taala laguna xaliyo muranka qaab diblumaasiyadeed.

Ila hoose   ayaa sheegaya Liiska   dadka dalka Kenya laga mabnuucay ay ku jiraan Gudoomiyaha Baarlaamka Galmudug Cali Gacal , Madaxweynaha Galmudug Garabka Cadaado axmed Baasto iyo Ra iisal wasaarahii hore dalka  Dr Cali Maxamed Geed,  Xildhibaan Cabdiahakuur Mire iyo Taliye  ku xigeenka Nisa iyo masuuliyiin ka tirsan  shirkada Hormood

Kenya ayaa dalkeeda bishii horje kasoo celisay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxa ayna Kenya joojisay fiisihii ay garoonka Nairobi ka qaadan jireen Masuuliyiinta dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.