Home Afsomali MAXAA CUSUB BAL OGOW Maanta iyo shiraraka ka dhacay ama ka dhacaya...

MAXAA CUSUB BAL OGOW Maanta iyo shiraraka ka dhacay ama ka dhacaya Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa kulan kula qaadatay teendhada Afisyooni, Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyada oo ay shirkaasi dalbatay beesha Caalamku.

Waxaa looga hadlay saamaynta ay muddo kororsigu ku keentay xaaladda dalka iyo in la helo waddo looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee gacan ka hadalka ku dhaw èe ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wali ma aanan helin natiijada shirku ku dhamaaday, balse ha iga fogaanin ee ila soco.

Deegaanka Shiirkole ayaa hadda waxaa ku sii qulqulaya saraakiil iyo odayaal dhaqmeed ka soo jeeda beesha Mudulood, kuwaas oo ka qaybgalaya shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan Xildhibaanada, Saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

Waxaa kale oo socda shirar gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda midawga musharixiinta iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo la ii sheegayo in ay ku qotamaan sidii loo dajin lahaa xiisadda taagan, loona aadi lahaa wado nabadeed. A sh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.