Home Afsomali Maxaa hor taagan heshiiskii qadar ee dayactirka wadooyinka isku xira muqdiaho jowhar...

Maxaa hor taagan heshiiskii qadar ee dayactirka wadooyinka isku xira muqdiaho jowhar afgooye iyo Muqdisho

Heshiiskii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ee ahaa dhismaha Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Afgooye,Jowhar iyo Muqdisho ayaa wali fulin,waxaana marar badan ka timid isweydiin ku aadan halka uu Heshiiskaasi uu ku danbeeyo.

Dhaqaalo gaaraya Labo boqol oo Kun ayaa loo qoondeeyay in lagu dhiso Waddooyinkaasi oo muhiim u ah marida gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala gooshaya Gobollada dalka,islamarkaana kor u qaadaya ganacsiga.

Inkastoo heshiisyo badan oo lala galay Dowladda Qadar aan wali fulin ayaa hadana Heshiiskaan waxaa la leeyahay wuxuu hakad ugu jiraa cabsi ka jirta Amniga Waddooyinkaasi .

Al-Shabaab ayaa meelo badan oo ka mid ah dalka gacanta ku haya,waxayna awood u leeyihiin marar qaar iney weeraro ka geystaan Wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyo Jowhar oo ammaankooda aan ahayn kuwo la isku haleyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.