Home Afsomali Maxaa kala socotaa guriga Xijaar daabulaada ka socoto xilwareejinta ka hor

Maxaa kala socotaa guriga Xijaar daabulaada ka socoto xilwareejinta ka hor

Taliyihii hore ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed jen xijaar ayaa xilwareejintiisa ka hor bilaabay xareysasho iyo boob hantiyeed oo boliiska leeyahay iyo hub iyo gaadiid Ciidan

marka laga soo tago boobka dhula danta guud ee meeleysiga barxada banaan ee magaalada MUqdsiho oo uu meelo badan xeendaabyo u sameystay halka qaarkoodna laga horistaagay

Baabka ayaa saameyn ku yeeahay hantida ma guurtada ah sida guryaha iyo mid dalku leeyahay waxaana horey u jirtay in si aan sharci aheyn xubno beeshiisa ah ee uu tababar dalka dibadiisa ah u direy
Waxaana warku intaa ku darayaa in xubno aan beeshiisa aheyn u u suurta gashay ka dib markii aan xifdiyeen heybtiisa ayna sidaa u sheegteen .waxaana uu saraakiil ka tirsan ciidanka bolice oo magacooda qariyey ay sheegeen in abidkood aysan arkin musuq maasuq ka weyn midka uu haatan Muqdisho ka wado Jen xijaar .
Daabulka agabka gurigiisa yaal waxaa qeyb ka ah dhalinyaro ciidanka ka tirsan iyo kuwo shacab ah oo loo maleynayo in ay muruq maal yihiin .
maxaa laga gaaraa oo lagu wareejiyaa taliyaha cusub ee sulub waxaana filayaa in ay ceebi ka dhici doonto Munaasibada Xilwareejinta
dadka deegaanka xaafada uu dagan yahay ayaa la yaabay rerka culus iyo daldalka aan kala joogsiga laheyn ee gurigiisa oo aan lagu kala kicin habeen iyo maalin .
Dad joobjoogayaal ah ayaa xusey in guriga laga rarayo noocyada kala duwan ee hubka iyo rusaastaoo ay ku jiraan gaadiid ciidanka bolice ka deeq ahaan loo siiyey si loogu fuliyo howlaha ciidanmka horyaal
Arinta ayaa ka danbeynsay ka dib xil ka qaadistii lagu sameeyey waxaana la ogeyn arintaan in ay og yihiin madaxda sare ee dowlada sida madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha dalka

https://youtu.be/GjnBKkIEO-Y

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.