Waxaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin guriga Ra’iisal wasaaraha ku yeeshay Midawga Musharaxiinta iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo aan haba yaratee si rasmi ah loo shaacin ujeedka kulankooda, lakiin xoggaha qaar ay sheegayaan in lagaga hadla jawaab u helida Warqadii Magacaabista Guddiga ee ka timid dhanka Xafiiska Madaxweynaha.
Haddaba muddo saacado ah ka dib waxaa Xafiiska Ra’iisal wasaaraha kasoo baxday warqad cuskanayda Cutubka Sagaalaad, Qodobadiisa 105 iyo 106 oo muujinaysa awooda Garsoorka, taas oo uu la xisaabtankiisa leeyahay Baarlamaanka JFS.
Haddaba su’aasha meesha taala ayaa ah; maxaa kulmiyey kulanka Midawga Musharaxiinta ee Ra’iisal Wasaaraha iyo soo saarida warqadan u qoran habka Warsaxaafadeedka? Ikraan Tahliil maku heli kartaa cadaalad daah-furan wadada Ra’iisal Wasaaraha iyo xulafadiisa Midawga Musharaxiintu u marayaan