Home Afsomali Maxaa laga la filaa oo isbadel ah xukumadda Federaalka – Faalo uu...

Maxaa laga la filaa oo isbadel ah xukumadda Federaalka – Faalo uu qoray Maxamed Xuseen Amin

faalo

Maxaa laga la filaa oo isbadel ah xukumadda Federaalka                              

Iyadoo waayo arag laga qadanaya dawladahii dalka soo maray laga soo bilaabo sannakii 2000,  dalka Jabuuti, magaalada Carte, waxaa wanaag loo arka in habki logu dhaqmi jiray wax laga beddelo oo xukumada soo socota ee dalka loo dhisaayo ay noqdaan dad tiro kooban oo leh aqoon iyo dad waayo- arag ah isla markina bulshada dhaxdeeda sumacad fiican ku leh. Tusaale ahaan,si markiba aqristaha uu arki karo,  labadii dawladood ee ugu dambeeyay oo ay kala hoggaminayeen Cabdiweli Sheikh Axmed iyo Cumar Cabdirashii Sharmarke ,oo iyada weli xilka hayso, xubnaha golaha wasiiradooda waxey tiradooda aheyd 55 xubnood iyo 66 xubnood oo u qaybsan sida soo socota:  b)-Cabdiweli Sheikh Axmed  25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo  5 wasiirul dawlo. t)-Cumar Cabdirashiid Sharmarke  26 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo 14 wasiirro dawlo.

Soomaaliya dhaqaalaheeda guud iyo daqliga miisaniyada xukumadda, waqtiga la joogo, ma qaadi karaan Gole Wasiirro oo tiradooda intaas la egtahay. Sidaas darteed waxaa fiican dawladaha mustaqbalka dalka loo dhisaayo in ay noqdaan kuwo aad u tiro kooban. Wasiirro badan, Wasiir-kuxigeenka iyo weliba Wasiirul dawlado-yaal ama muuqato baahi cad oo qarameed oo loo qabi karo waqtigaan oo lagu howlan yahay dib u dhisid iyo dib u habeyn heykalka dawladeed ee dalka. Iska dhaaf wasiirrada qarkoode waxaan laheyn shaqo ay qabtaan saacadaha waajibka ah shaqaale weynaha dawladda. Haddii shalay dawlad salbalaaran loo dhisayay si ay dadka iskaga wada arkaan Gole Shacab iyo Xukumad loo dhan yahay.   Hadda   waa laga soo gudbay waqtigii jabhadaha iyo dagaaladii sokeeye.

Qodobkaan  inta aan laga bixin  waxaa in leys xusuusiyo mudan arrimaha uu soo kordhiyay qaadasha habka Federaalka. Waa wax wanaagsan oo hurumar leh in dalka lagu baaxiyo isxukunka gobollada hayeeshee ma habbona, Gobollada oo la ogyahay in ay gudahooda ka soo saari karin dhaqaale badan oo ay ku maamulaan dawlad-goboleed salbalaaraan oo leh Wasiiro, Wasiirro Dawlad iyo Wasiir-ku-xigeenno tiro badan halka xoogga ka sari lahayeen Agasimeyaal iyo aqoon u leh maamulka hawlaha dawladeed.

Dhaqaalaha Dalka

Horumar iyo wax qabad kasta waxaa fure u ah dhaqaalaha uu dalka kasta leeyahay iyo dadaalka shacabdiisa.  Dalkeena dhaqaalahiisa wuxu ku dhisan yahay wax-soo-saarka  xoolaha nool, oo ay dhaqdaan beelaha reer guura ah, beelaha beeraleyda dan yar ah iyo ganacsato aan rasumaal weyn laheyn.  Xoolodhaqata waxey xoolahooda ka helaan hilib iyo caano ay ku noolaadan, waxeyna daqly lacageed, oo la sheegi karo, ka helaan watiyada Xijka oo xoolo badan ay dibedda iib geeyan . Dhinaca kale beeraleyda oo weli heerka wax- soo-saarkooda uu yahay mid aad u hooseya oo aan ka badneyn nolol maalmedkooda waxay intii sanooyin ah bilaabeen ka ganacsiga iyo dibed u dhoofinta dalagyo ay kamid yihiin Sisin iyo Liimo oo aan weli aheyn heer buuran.  Xoolaha iyo Dalagyada kor lagu soo sheegay, in kastoo ay milkiliyaashoda helin wax horumarin iyo taageero bankiyed ah, iyagoo aan laheyn hanti amaahda damaanad u noqon karta darteed, haddana wax qabadkooda waa ilaha ugu muhiimsan ee waqtigaan uu dhaqaaalaha dalka ka helo lacagta adag. Qaybahaas waxaa soo raaca daqliga dalka ka soo gala dhinaca qubajoogta soomaaliyeed oo ah masaruufka ay qaraabadooda dalka joogo bilwalba u soo diraan.

Badbaadinta Hantida Dawladda

Dalkeena wuxuu ka mid yahay dalalka soo-koraayo oo badanaaba lagu edeeyo maamul xumo iyo xatooyo xoolo dadwyene  hadaba si arrintaas looga gaashanto waxa wanaagsan in  daqliga dawladda ka soo galo canshuurta muwadaniinta laga qaado iyo kuwa laga helo dawladaha saaxibka la ah dalkeena, ay maamusho Qaybta Xisaabaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda (Ragioneria Generale)oo keli ah, loona sameeyo Hayad aqoon durugsan u leh habka baarista maaliyadda dowladeed.  Hayadaas waa in ay leedahay awood ay si deg deg ah tilaabo shaciyeed uga qaadi karto wixii xatooyo iyo is dabamarin ah ee ku saabsan hantida qaranka. Qodob aad u muhiin ah  oo kale waxa ah in lacagaha daqli dawladda ama kuwo dawladdo saaxibo ah laga helay ay gacanta u galin wasiirro ama cid kale oo jeebka ku shubta ama  xisaabo magacoda ku qoran oo ka furan Bankiga Dhexe,  Bankiyada gaarka loo leeyahay ama shirkadaha Xawaaladaha kadibna u isticmalaan danahooda gaarka ah. Wasiirka shaqadiisa waa mid siyaasadeed, abaabul  iyo isu dubaridka hawlaha wasaarrada uu madaxda ka yahay ee ma aha mid maamul lacageed

Ugu dambeyn Datuurka Ku-Meel Gaarka ah ee dalka qodobkiisa 111C, lambarkiisa 1aad, wuxuu ka hadla Guddi hawshiisa tahay baarista iyo ka hortagga wixii Musu-maasuq ah ee ku saabsan qaybaha dawldda.  Sidoo kale Lambarrada 2aad ,3aad, 4aad,5aad,  iyo 6aad waxey si cad ay ugu hadlayaan cid kasta oo lagu helo dambiyo musuqmaasuq iyo xatooyo hantida dawladda,i.w.m in uu Guddiga xayiri karo, la wareegi karo hantidooda haddii lagu helo dambi ah xatooyo hanti dawladeed.  Qodobka 6aad oo ugu dambeeya wuxuu qorayaa Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa in uu yahay hayad madax banaan oo dhaxdhexaad ah xubnaheedana ay ka badnaan 9 qof.  Giddigaas haddii uu dhisan yahay shaqadiisana uu u fuliyo si  Alle ka cabsi leh waxaan shaki ku jirin in dalka uu gaaroyo horumar dhinac walba ah.

Maxamed Xuseen Amin

E.mail: maamiin01@Yahoo com.

31-8-2016

 

 

 

Previous articleDeeq ka timid Dowlada Shiinaha oo duleydka Muqdisho laga Qeybiyey
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Muqdisho ka furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka‏ ( DAAWO SAWIRADA )

168 COMMENTS

  1. Waxa lag filaya xasan damerale in u xukunka isla rabo mida kale galada islanka hor ka haysata aya rabta xasan damerale mida kale galadu ma jecla nhn capli badan dadkisa diintisa raba ama umada somaliyed wax taraya sida cabdulahi yusuf alaha u naxariste markay arken dadkisa iyo dalkisa in ay raban galadana u neceb yahay watay xilka ka paden 5 golaha sare maxa dhacay marku yirina xita somaliya jogi may sid wakhtina waxad pabta 48 sacadod xilka tiri waxa u yiri xita oday magalo an ahado galadu wa ka diday xage ada ani berkan la ahay wadan pabaw kuma nolan karo ayu yiri warka dhaf intas oo lacaga pado hadad dido kan dadku xiga aya ku dilin wa tu aday yaman cali cabdale salax aya magan galyo madax wayne ahan guri gadid cidan siyey in maydkaga la keno mahe nolol may aya lagu yiri wa ti maydkisa la kenay xiliga uu farol xilka u tiriyey aya somaliya ugu danbaysay waxa la kenay maydkisa alaha u naxariste madax kama danbayn isago farol kula dardarmaya wal wadanka daka umada si ficn u hay galada wadanka ka ilali way ahatay mita kale xasan aya la doran galadu say rabto ayey ka hesha xasan damerale wa ahbal dopon dad iyo dal marabo inta uu wadanka haystay maxu pabtay xita hal wado ma dhisin mida kale xasan wa alshabab parson mida kale umadu marabto alaw dawlad cadila nasi dinta nagu dhapda amin amin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.