Home Afsomali Maxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle?

Maxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Maamulka.

Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xusay in dhowaan howlgallada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay inay isu diyaariyaan qeybgalka howgalladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isagoo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha ilaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay Al-Shabaab waxyeeleeyeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.