Madaxweynaha Dowlad Goboleedkq Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo khamiis ah Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta Gobollada iyo Degmooyinka ee Mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG, xaaladda deegaanka, hirgelinta madasha horumarinta Puntland (PDF).
Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay saamaynta Abaartu ku yeelatay dad iyo duunyo ee degaannada Puntland iyo sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedkq Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Warbixin ka dhageystay Xubnaha Golaha Wasiirada, isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan Shaqada ay u hayaan Bulshada.