Home Afsomali Maxaa sababay gacan ka hadalkii xujeyda Somaliyees ku dhex maray baska gudihiisa

Maxaa sababay gacan ka hadalkii xujeyda Somaliyees ku dhex maray baska gudihiisa

Waxaa dhowaan baraha bulshada ku baahay muuqaal muujinaya xujeey Soomaali ah oo isku dhex dagaalaya gaari bas ah gudahiisa.

Xujeeydaas oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa sida aan xogta ku heyno la sheegay, inay wajahayeen gawaari yari, sidaa awgeedna uu mid walba doonayay inuu xoog ku galo baska si uusan uga buuxsamin.

Gabaabsiga xagga gawaarida ayaa loo aaneynayaa tirada dadka xujeyda ah ee sanadkan oo aad u badnayd.

Gacan qaadka ayay inta badan culimadu sheegaan inuu mamnuuc yahay inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka.

Soomaalida xajka aadday sanadkan, ayaa qaarkood ka cabanayay adeeg xumo si ka duwan sii ay filanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.