Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Taliyaha Sirdoonka Somaaliya, Mahad Salaad ayaa maantay booqasho ku tagay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Wafdiga Madaxweynaha ayaan gudaha u gelin magaalada Jowhar. iyagoo gegida diyaaradaha magaaladaas kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha dalka iyo Cali Guudlaawe waxa ay kawada hadleen saddex qodob oo ay ka mid yihin Xal u helida Khilaafka ka tagaan Gobolka Hiiraan gaar ahaan muranka ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte oo isaguna ka hor yimid xil qaadistaas kuna dhawaaqay maamul gaara.
Waxyaabaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ah Colaad beeleedyo ka jira gobolka Shabeelada Dhexe iyo sidoo kale sidii dib loogu bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa kulanka kadib dib ugusoo laabtay magalaada Muqdisho.