Home Afsomali Maxaa tooreyda loogu dhuftay Madaxweyne Mustafe Cagjar walaalkii

Maxaa tooreyda loogu dhuftay Madaxweyne Mustafe Cagjar walaalkii

Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa lagu dhaawacay Tooray magaalada Dhagaxbuur sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Cabdiraxmaan oo ah maamulaha Isbitaalka Dhagaxbuur ayaa dhaawaciisa la dhigay isla Isbitaalka guud uu maamulaha ka yahay halkaasoo haatan lagu daweynayo.

Saraakiisha amaanka magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in la qabtay ninkii Toorida ku dhuftay Cabdiraxmaan haatana xabsiga la dhigay

Weli si rasmi ah looma oga sababta uu ninkan Toorida ugu dhuftay maamulaha, balse ciidanka amaanka ayaa sheegaya iney wadaan baaritaano arrintan la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.