Home Afsomali Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka iiraan oo dib loogu soo...

Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka iiraan oo dib loogu soo celiyay dalka

Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka iiraan oo dib loogu soo celiyay dalka.

Dadkaani ayaa waxaa laga qabtay xuduudda dalalka Iran iyo Turkiga, waxaana soo deyntooda gacan ka gaysatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka dib ugu soo celiso 11 Dhallinyaro ah oo muddo ku xayirnaa Waddanka Iiraan.
Dhallinyaradan oo isugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxay qaarkood ku jireen Xabsiyo ku yaalla Iiraan, halka kuwo kalena ay deggenaayeen goobo kale, sida uu sheegay Ambassador, Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo).

Ambassador Awliyo oo ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay inuu Iiraan kasoo galbiyo maxaabiistan ayaa sheegay in dhallinyaradan laga soo qabtay xilli ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ay xirnaayeen xilliyo kala duwan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo la sii daayey lix bilood ka hor, ayaa waxaa inay dalka kusoo laabtaan caqabad ku noqday cudurka COVID-19 oo xayiray duulimaadyadii caalamiga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.