Home Afsomali VEDIO Maxaabiis uu cafis u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siidaayay

VEDIO Maxaabiis uu cafis u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siidaayay

 

 

127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fadhiyay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

In ka badan 120 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhaxe iyo MBC oo cafis loo fidiyay

Maxaabis badan oo ku xirnaa labo xabsi oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa loo lagu sii daayey  cafis madaxweyne , waxaana maxaabiistan cafiska loo fidiyay munaasibada ciidul fidrig awgeed ayaa la sheegay in ay galeen dambiyo fud fudud.

127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ama KM 7 ayaa ooda laga qaaday  markii uu cafis u fadhiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

 

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa labada xabsi ee kuyaalla Muqdisho.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabduqaadir Khaliif oo sita degreetada madaxweyne Xasan sheikh uu cafiska gaar ka ah ugu fidiyey maxaabista ku eedeysnaa danbiyada fudud ayaa tagay xarumaha xabsiyada ay maxaabistu ku jireen si loo fuliyo Amarka Madaxweynaha kaasi oo dhaqan galay ismarkiiba .

Xeer ilaaliye khaliif  ayaa hambalyo ka dib maxaabiista uu la hadlay ka hor siideyntooda

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay ku nuuxnuuxsaday sheegida danta iyo ujeedka laga leeyahay Siideyntooda isaga oo kula dardaarmay in ay dadkooda dhinac ka raacaan

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ee cafiska lagu daayey ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad, waxa ayna si weyn ugu mahadcelinayeen madaxweynaha Soomaaliya ee cafiska u fidiyay.

Sanad kasta marka la gaaro Maalmaha Ciida ayaa Madaxda ugu sareeysa dalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada qaarkood waxaa ay cafis u fidiyaan qaar kamid ah Maxaabista dambiya fudud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.