Home Afsomali Maxaad ka taqaanaa shaqsiyada ganacsade Cali Shiikh Maxamuud..?! (Nin Dulman balse aan...

Maxaad ka taqaanaa shaqsiyada ganacsade Cali Shiikh Maxamuud..?! (Nin Dulman balse aan waxba dulmin)

.

waa nin dulman laakiin aan dulmilow aheyn Cali Shiikh Maxamuud waa Ganacsade caan ah , isla markaana ganacsigiisu gaaray daafaha caalamka sida  Asia iyo Africa.

Ganacsadahan ayaa dukaamo waaweyn ku lahaa dalalka South Sudan Tanzaniya Kenya illaa Afrikada dhexe ayaa mar qurra ganacsigiisii albaabada u laabay, waxaana xirmay dukaamadii iyo carwooyinkiisii kala ahaa Rayaan iyo Day to day iyo Qaare kale.

Qaar ka mid ah websiteyada Afka Soomaaliga wax ku qora ayaa faafiyey eedeymo ka dhan ah ganacsade Cali Shiikh oo ay ka mid ahaayeen inuu si qaldan ugu lug lahaa mashaariic badan sida dhulal iyo guryo ka kooban dhismayaal waaweyn.

hadaba waxaan ka Xusi karnaa Qaladaadkii laga galay in lagu sheegay in uu leeyahay Shirkadda Doogle ee shidaalka oo xarumo fara badan ku leh isgoysyada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay ninkan la dhashay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo lagu magacaabo Cali Sheekh.

Shirkaddan oo qaab casri ah u shaqeysa ayaa ajibyo waaweyn waxay ka sameysatay qaar ka mid ah isgoysyada ugu waaweyn uguna muhiimsan magaalada Muqdisho iyo goobo kale ganacsatadii laheydna weli war kama soo saarin in xoolaha ay leeyihiin iyo ganacsigooda cid aan shaqo ku laheyn lagu sheego .

waxaa lagu been abuurtay in uu leeyahay Shirkad gaar ah oo shuraako ay ku yihiin ganacsade Cali Shiikh sidoo kale waxaa lagu sheegay in uu leeyahay  mashruuc ay soo gudbiyeen hay’addaha UN-ka ee degan agagaarka garoonka dayuuraddaha Aadan Cadde, kaasoo ahaa in wax gaadiid dadweyne ah soo dhaafi karin isgoyska Km4, dadka soo degaya iyo kuwa dhoofayana basas looga soo qaado balse wuxuu tibaaxay in laga been sheegay  waana wax aan dhici kari .

Cali  Shiikh oo horey arrimo ganacsi ugu jiray ayaa tan iyo markii walaalkiisa Madaxweyne noqday sii taajiray isagoo ka faa’ideystay maamulka walaalkiisa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada iyo websita yada qaarkood mana jirto cadeymo rasmi ah oo loo haayo sida codod laga duubay sawiro ama Video .

waxaana arrintaas lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa nin la dhashay Madaxweynaha Somalia oo lagu magacaabo Cali Sheekh Maxamuud ayey qoreen qaar warbaahinta ka mid ah ka fiirsi la,.aan ay cadowtooyo ku dheehan tahay waxaana lagu colaadiyaan oo kaliye in uu la dhashay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo kaliye

Murunka ka dhashay cida uu yahay  ganacsadahaan ayaa la ogaday in waxyaabaha lagula kufay uusan shaqo ku laheyn balse waa jirtaa in uu la dhashay madaxweynaha dalka  Somalia, mana jirin wax uu ka qaban karo  arintaasna waxay ku biyo shubatay Walaaltinimo  .

Ninka la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa marar badan laga faafiyey faalooyin sumcadiisa hoos loogu dhigayey waxaana muuqata sida ay sheegeen dad xoog ogaal ah in uusan ariamaha noocaas ah faraha kula jirn

Ganacsade Cali Shiikh ayaa laga soo wariyey inuu hadda wax shaqo ah heynin isla markaana tan iyo wixii ka danbeeyey xiligii uu dalka madaxweyne ka Noqday Walaalkii Xasan Sheikh Maxamuud uu faraha ka qaaday dhamaan ganacsigiisii haatan uu u isu heysto inuu yahay maxbuus siyaasadeed.

Haddaba waa nin ceynkee ah ganacsade Cali Shiikh, Maxaase ka jira eedeymahan..Runtii waa dulmane een dulmi low aheyn

Cali Shiikh waa siyaasi qarsoon oo Qiima badan waa nin fuliya balamada uu qaado beena ma sheego, wuxuu gacan weyn ku leeyahay saldhigashada xildhibaanada labada aqal.

Cali Shiikh kuma jiro khilaafka siyaasadeed ee siyaasiyiinta loolanka adag ku jira mana rabo wax jago ah dalkana abaal ayuu ku leeyahay, waana rug cadaa ganacsi ah soona shaqeynayey tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee dalka ka hor.

“Anigu waxaan ahey ganacsade wixiisu ku filan yihiin wax shaqo ah kuma lihi waxyaabaha la igu eedeynaayo uma baahni hanti shacabku leeyahay hantida aan leeyahay ayaa igu filan inta aan noolaha ee cimri aan ku dhameysto ALLAHA i siiyo” ayuu yiri Cali Shiikh oo saxaafada kula hadlay Muqdisho.

Eedeymaha loo jeediyey Cali Shiikh ayaa markii dambe dhamaantood beenoobay ka dib baaritaanoi ay sameeyeen maxkamadaha dalka, waxaana la ogaaday iney ahaayeen dacaayado ay fidiyeen ganacsato isaga cadow ku ah oo saxaafada qaarkeed lacago siiyey.

“Qof kasta oo nadiif ka ah, qabyaalad, nin jecleysi, sed bursi sida ganacsi Cali Shiikh oo kale dad baa caddow ku ah kuwaasoo faafinaya dacaayada sumcada looga dilayo balse been cimri dheer malaha” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaliyeed ee mudada dheer la soo shaqeeyey ganacsade Cali Shiikh ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha ka dhanka ah Cali Shiikh, waxayna Xuseen in ganacsadahan uu ku sifoobay, xalaal quudasho, run sheegid, alle ka cabsi, naxariis, hadal jilcsan, shaqo badan iyo wanaagyo kale oo aan la soo koobi Karin.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.