Home Afsomali Maxaaka socda Aqalka Dowlada hoose ama xarunta maamulka gobolka banaadir .

Maxaaka socda Aqalka Dowlada hoose ama xarunta maamulka gobolka banaadir .

Waxaa isa soo trayey maalmihii ugu danbeeyey olola cirib tirka qaraxyada ka dhaca gudaha xarunta dowlada hoose ee xamar

Waxaana loo maray dariiq kasta oo sahli kara dib u soo kabashada la doonayo in mar uun laga bogsoodo arinta iyo wel wel keedaba

Hadaba si aan arintaa wax badan uga ogaano ayaa dhaga dhageyn wadato indha indheyn waxaa noo suurta gashay in dareenkeena wax badan iska badalaan iyada oo qabiil qabiil shaqaale lagu qoraayo  balse aan ku ilowno qaraxyadii ka dhacay gudaha Somalia

Aan u soo daadagno dulucda maqaalkee  Xarunta oo waaxyadeedu maqshuul badan ku jireen ayaa waxaa la isladhaxmarayey liisas beel beel ah oo ay ku qornaayeen magacyada beel kasta shaqaalaha uga diiwaan gashan dowlada hoose oo marka danbe la isugu geynayey waxda dhad dhigista si loo hubiyo asalka iyo faraca beesha uu ka soo jeedo ka dibna loo helo nabadoonka xildhibaanka ama masuul dowladeed oo damaanad qaada kuwaas oo qaarkood ayba joogeen xafiiskayada gudahooda si looga nabadgalo weerar ka yimaada shaqaalaha uu qaato maamulka Gobolka Banaadir

Liisaaska oo qaarkood magacyada ku qoran gaarayeen in ka badan boqol shalaale mihnadahoodu kala duwan yihiin ayaa qaarkood ahaa 5- ilaa 6

Arintaan ayaa ku soo begmeyso xili aan wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanadii qaraxii ka dhacay aqalka dowlada hoose ee weli la shaacin

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.