Wasiiro katirsanaa Maamulka HirShabelle ayaa xilkalaga qaaday maqribnimadii Caawa sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin lagu kalsoon yahay.
Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta dib ugu laabtay Jowhar ayaa Xilka ka xayuubiyey Wasiirkii Amniga maamulkaasi C/qaadir Aadan Jeelle,waxaana Xilkaas loo magacaabay Maxamed Kheyre.
Sidoo kale waxaa isna xilka laga qaaday Wasiirkii Warfaafinta HirShabelle C/weli Muxumed Cabdi iyadoo Maxamed C/raxmaan Maxamed Laga dhigay Wasiirka Cusub.
Wasiirka Cusub Ee Amniga HirShabelle Maxamed Kheyre ayaa hore usoo noqday Wasiir kuxigeenka Dastuurka Ee Maamulkaasi.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Caawa Jowhar waxay sheegayaan in ay suurta gal tahay Wasiiro kale in Xilka qaadis ay wajahaan.
HirShabelle ayaa ah Maamul Fadhiid noqday sida ay sheegaan Dadka Deegaanada Maamulkaasi ka arimiyo kusugan,iyadoo sidoo kale madaxda Maamulkaasi ay wakhtiga ugu badan ku bixiyaan Safaro ay Deegaanka uga maqan yihiin.