Home Afsomali Maxamed Cabdirisaaq: 5tii sano lasoo dhaafay Dalka waxaa soo maray Amni darro,...

Maxamed Cabdirisaaq: 5tii sano lasoo dhaafay Dalka waxaa soo maray Amni darro, sicir-barar & Siyaasad is cuna-goyn ah.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu Dalka geliyay Xaalad adag muddada uu Villa Somalia ku sugan yahay.

Maxamed waxa uu sheegay in la diiwaangeliyay shanti sano u dambeysay Amni darro, Sicir Barar xooggeystay, Xaaladaha Bani aadamnimo, Siyaasad cunno-goyn ah, Dastuurka oo aan la ixtiraamin, Kalsooni darro & Niyad-jab.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in hanka Doorashada laga lahaa laga kalsooni beelo, waxa uu ku tilmaamay in wax loo maalulay sida “Nidaamka keli talisnimada” sida uu hadalka u dhigay.

“Shantii sano lasoo dhaafay waxa ay dadkeenu la kulmeen Sicir barar sii ballaartay, Amni darro, Abaaro is daba-joog ah & haba ugu darnaatee siyaasad Is cuna-goyn ah oo aan ixtiraameen Dastuur, Dhaqan Soo jireen, Dib u heshiisiin & sharciga Dalka midna” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

“Xaqiiqadii Dowladdeenu heer weliba ha ahaatee waxa ay ku socotaa si qar iska xoornimo ah oo kusii fogaaneysa sharci darro & falal dastuurka ka baxsan oo la hubo in ay keeni karaan kalsooni daro & niyad-jab dadka soomaaliyeed ay ka qaadaan Dowladnimada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu ka gaabiyay Dhammeystirka Dastuurka Dalka, Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga & waxyaabo kale oo Dalka Faaiido u ah.

“Doorashada Hadda Socota oo ah mid ku sifowday noocaas waxa ay ahayd mid lagu han weynaa oo ahayd in ay u dhacdo si daah-furan oo dimuqraadi ah, nasiib-darro waxaa dhacday in siyaasiyiintii ay kalsooni ku qabi waayeen Dadka Soomaaliyeed oo ay na tuseen Digtatoornimadooda iyaga oo haddana rejo ka qaba in xilka madaxweynaha ku guuleystaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda XFS.

“Shaki kuma jiro haddii madaxda hadda joogta ay diiradda saari lahaayeen Qabyo-tirka Dastuurka oo ay dhisi lahaayeen Laanta saddexaad ee Dowladda oo ah Garsoorkii, Guddiga adeegga garsoorka & hay’addii fulin lahayd oo ah Maxkamaddii Dastuurka kuma aynaan jirneen xaaladdaan oo ah in aan awood u lahayn wax ka qabashada lagdanka Kheyru-mas’uulnimada ah ee siyaasadeed ee Madaxdeena heer weliba” Cabdirisaaq Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.