Home Afsomali Maxamed Qanyare Afrax oo Muqdisho ku geeriyooday

Maxamed Qanyare Afrax oo Muqdisho ku geeriyooday

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Allaha u Naxariisto Siyaasi, Hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax oo Xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii KMGka ahaa sida Wasiir iyo Xildhibaan.

Qanyare Afrax ayaa ku geeriyooday isbitaalka Erdogan magaalada Muqdisho oo mudooyinkan uu ku xanuunsanayey, guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan uga tacsiyadeynayaa, si gaar ah reer Afrax oo uu ugu horeeyo walaalkey Xildhibaan Abdiwelli Kanyare.

wararka ayaa xaqiijiyey in uu geeriyooday Allaha u naxariistee Siyaasiga Maxamed Qanyare Afrax oo horey Xildhibaan iyo Wasiir uga soo noqday Dowladihii dalka soo maray.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay gaar ahaan Isbitaalka Digfeer oo daaweyn loo geeyay, waxaana la sheegay in uu goordhaw xanuunkii hayay u geeriyooday.

Qanyare ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna mar kamid ahaa Hogaamiyaashii maamuli jiray magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.