Home Afsomali Maxay Alshabaab u weerareen Balcad

Maxay Alshabaab u weerareen Balcad

Al-Shabaab ayaa soo weeraray bar koontorool oo Ciidamo ka tirsan Dowladda ka ilaaliyaan degmada Balcad taas oo ku taalla wadada la timaada dhinaca degmada Afgooye.

Dagaal muddo socday ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo caanka ahaa Balcad oo magaciisa lagu soo koobay Kackac laba kale waa ay dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in dagaalka uu socday Muddo daqiiqo ah, islamarkaana ay maqlaaayeen rasaas labo dhinac ay iswaydaarsanaayeen.

Ciidamo gurmad ah ayaa u yimid ciidanka dowladda rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa wadada ka timaada dhanka afgooye oo howlgal ayaa ka socda.

Ciidanka Booliska ayaa howlgal ka wadda Xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, waxaana sidoo kale ay ku sugan yihiin Wadooyinka laga soo galo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.