Home Afsomali Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Madaxweynaha dalka Jabuuti?

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Madaxweynaha dalka Jabuuti?

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay kulankooda kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo sheegay in mar walba ay garab taagnaan doonaan dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.