Home Afsomali Maxay ku kala duwan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Maxamed Cali...

Maxay ku kala duwan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” Faalo

1- Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”: Wuxuu gartay in ay shacabka Puntland dhalileen waxqabdkisa gaar ahaan dhinaca siyaasada, ogolaashaha uu ka haysto dadka reer Puntland ay hooseyso. Waxay intaas Dr. Cabdiweli garansiisay inuusan mar kale u tartamin xilka Madaxtinimo ee Puntland sida ay ii shegeen Aqoonyahano reer Puntland ah oo xogogaal u ah arimaha siyaasada ee gobolka.

Anigu waxaan kula dooday in uu Cabdiweli Gaas wax badan u qabtay Puntland laakin aan dhaliilsanahay Madasha qaran ee uu ka midka yahay iyo waxqabadkeeda. Balse sida la ii sheegay haduu Cabdiweli ka dhabeeyo go’aanka ah inuusan mar kale u tartamin xilka Madaxtinimo ee Puntaland, wuxuu Cabdiweli noqonaya siyaasi garasho dheer leh oo wanaagsan, oo isku dayay inuu dadkiisa u shaqeeyo, ka dib markii uu arkay inaan lala dhacsanayn shaqadiisa iyo go’aanadiisa xaga siyaasada ahna xilka baneeyay oo aan mar kale u tartamin.

2- Xasan Sheekh Maxamud: Waa Madaxweynihii uu waqtigiisu dhamaaday ee dowlada Federaalka ee Soomaaliyed wax badan ayaan kala socdaa xaaladisa siyaasaded. Wuxuu ahaa Madaxweynihii ummadda Soomaaliyed halka Cabdiweli Gaas uu yahay Madaxweyne dowlad gobloeed oo arimaha qaar ay igaga xogogaal sanaayeyn waxgaradka Puntland.

Xasan Sheekh shacabka Soomaaliyed dal iyo dibad waa ay dhalileen waxqabadkiisa mudadii 4-ta sano ee uu xilka hayey. Waxay ummadda Soomaaliyed isku raacsanyihiin inuu ku fashilmay hoggaminta dalka kuna guuldareystay inuu kasoo baxo ballamihii uu u qaaday shacabka Soomaaliyed doorashadii dhacday sanadkii 2012-ka.

Mudane Xasan sheekh wuxuu uga duwanyahay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ma garan in shacabku dhalileen waxqabdkiisa iyo go’aanadisa siyaasaded oo wuxuu mar kale isku soo taagay inuu qabto xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya. Waa xil ay ummaddu ku Aamintay oo uu horey ugu fashilmay, ayuu hadana leeyahay mar kale ha la iguu Aamino oo ha la ii dhiibo.

Ma u maleynayo inay taasi dhacayso oo dadka Soomaaliyed iyo xildhibaanda cusub ee baarlamaanka waa ay ka garasho dheer yihiin in Masuul hore u guuldareystay in ay mar kale ku Aaminaan xilka sidaa uu culus iyo masiirka ummadda Soomaaliyed. Waxaa Mudane Xasan uu fiicnaan lahayd inuu garto sida Cabdiweli inaysan shacabku doonayn oo uu qaato go’aan geesinimo leh kana tanaasulo Murashax-nimada uu ku doonayo inuu mar kale ku noqdo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran waa ay fashiliyeen Soomaaliya waa in xillalka ay hayaan marku ka dhamaado aan dib danbe loo soo dooran. Hadii aan Xasan Sheekh dib loo dooran, Cabdiweli Gaas sheegay inaanu dib danbe u tartami doonin, Mudane Axmed Madoobe sidoo kale uu sheegay inuusan mar kale xilka Madaxtinimo ee Jubaland u tartami doonin, sida si la mid ah Maamul goboledyada kale markay mudada xilka Madaxtinimo ka dhamaato waa in la badela oo markaan wixii ka danbeeyo la baadi goobo hoggamiyayaal nooc cusub ah oo Ummadda Soomaaliyed ka saara xaalada Rajo la’aanta ah ee ay ku jiraan.

Wax walba waqti ayay soo dhamaadaan Soomaaliya wixii hada ka danbeya ma qaadi karto qof Madax ah oo daneysta waxaa loo baahanyahay Madax u daneysa dadka iyo dalka. 

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.