Home Afsomali Maxay Tahay Sababta Ay Isku Casishay Guddoomiyihii Maxkamadda Ugu Sarreyso Itoobiya?

Maxay Tahay Sababta Ay Isku Casishay Guddoomiyihii Maxkamadda Ugu Sarreyso Itoobiya?

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Meaza Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay.

Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen.

Meaza Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay.

Tan iyo dabayaaqadii 1980s waxay aheyd garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Itoobiya, waxay markii dambe sameysay urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenka ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan haweenka u baahan adeegyada sharciga ah.

Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan ahaa oo xitaa lagu soo bandhigay filimka Hollywood-ka ay soo saare ka aheyd Angelina Jolie

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.