Home Afsomali Maxay tahay sababta Masar uga baxday Shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta?

Maxay tahay sababta Masar uga baxday Shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta?

Wafdi ka socday dalka Masar ayaa ka baxay shir ay lahaayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira ururka Jaamacadda Carabta sababo la xiriira xiisadda ka taagan dalka Libya.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Saami Shukri ayaa waxaa ay diideen in hoggaamiyaha dalka liibiya uu qabto hoggaaminta kal-fadhiga cusub ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Masar ayaa sheegay in ka bixitaanka Shirka ay ku timid shaki ku saabsn in mas’uul katirsan Xukuumadda waqtiga uu ka dhamaaday ee dalka liibiya inay uu xilka la wareego.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo Talaadadii shalay ka fùrmay dalka liibiya ayaa waxaa looga hadlayaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan dalalka Yeman, Suriya iyo liibiya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.