Xabsiga dhexe ku geeriyooday Mid ka mid ah Maxabiista Xabsiga dhexe oo lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi kadib markii ay dagaalamayn maxbuus kale.
Qof ka mid ah Maxaabiista xabsiga dhexe ayaa sheegay in uu dhintay Xasan Kaafi Maxamed Xasan, kadib markii Ciyaar kubadda Cagta ay ku murmeyn Maxbus kale oo lagu magacaabo Biibi kadibna uu Neef Qabadsoomay waxaana markaas kadib la sheegay in uu Cirbad ku duray Maxbuus 3aad oo aan dhaqtar ahayn laguna magacaabo C/llaahi Jareere.
Xasan Maxamed Xasan ayaa ku eedeysnay shabaabnimo wuxuuna ka mid ahaa Maxaa biista ku jirtay xabsiga dhexe ee Xamar.
Saraakiisha Xabsiga dhexe oo aan la xariirnay ayaa ka jawaabi waayay Wicitaankeena, waxaana arintaan ay muujinaysa dayac ka jira gudaha Xabsiga dhexe oo ay maxaabiista heli karaan Daawooyin kadibna ay naftooda halis ku gilin karaan.
Ehelada Marxuumka ayaa Dowlada Fedraalka Soomaaliya ka dalbaday in cadaalada la horkeeno shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dilkaas.