Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa la horgeeyay 7-Nin oo ku eedeysan kufsi iyo dil ka dambeeyay oo ay u geysteen Haweeney Xaamilo ah.
Falkaan ayaa dhacay 11-kii April 2019, waxaana raggaan ay kufsi iyo dil isugu dareen Hodan Axmed Maxamed Shanleyste oo deegaan ku ah Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.
Marar kala duwan ayaa dib loo dhigay Gal maqalka kufsiga iyo dilka AUN Hodan, mar Maxkamaddu waxa ay sheegtay in aabaheed uu dalbaday in lala sugo dhageysiga dacwadda, maadaama ay u suuragali waysay 15-kii Febaarayo in uu goobjoog ka noqdo sida Maxkamaddu ay sheegtay waqtigaas.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay ka go’aan gaarto dacwadda loo heysto Raggaan, maadaama waqti dheer uu qaatay soo afjaridda Gal dacweedka kufsiga iyo dilka ah ee ay ku eedeysan yihiin.
Ehelka Hodan ayaa dalbaday in xukun caddaalad ah ay helaan, maadaama muddo sanad ka badan laga joogo waqtigii la dilay Gabadhooda, isla markaana marar kala duwan lagu ballamiyay maxkamadda balse saddex baaqatay.
AUN Hodan Axmed Maxamed Shanleyste waa Hooyo ifka uga tagtay labo Carruur ah oo kala ah Wiil iyo Gabar, tan iyo markii uu dhacay falkaan waxaa socday baaris lagu sameynayo Shaqsiyaadka loosoo qabtay in ay kufsiga iyo dilka isugu dareen Haweeneyda Xaamilada ah.
Maxkamadda Gobolka Nugaal oo dhageysatay dacwad ka dhan ah Rag ku eedeysan kufsiga haweeney xaamilo ah.
Maxkamadda Gobolka Nugaal oo dhageysi labaad gelineysa Kiiska Rag loo heysto Haweeney la kufsaday kadibna la dilay.