Home Afsomali Maxkamada aduunka ee ICJ Oo Mar kale ogolatay Codsigii kenya ee...

Maxkamada aduunka ee ICJ Oo Mar kale ogolatay Codsigii kenya ee ahaa dib u dhigista dacwada badda

Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo ay hor-taallo dooda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale dib u dhigtay dhageysiga dacwadda ee labada dal.

Warqad ka soo baxday garsoorka maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhageysan doono kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya 15-ka March ee sanadka 2021-ka.

Sidoo kale ICJ ayaa go’aankeeda la xiriirisay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ku yaalla, balse waxay arrintaan ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Kenya ay dalbatay in mar 2-aad dib loogu dhigo kiiskan.

Dowladda Soomaaliya oo sidoo kale si weyn uga biyo diidaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa haatan sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.

Tan iyo markii maxkamadda cadaaladda adduunka loo gudbiyey dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Keyna xiisada u dhexeysa labada dowladood ayaa aheyd mid kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.