Home Afsomali Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa manta xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed Hilowle oo 19-kii March ee Sanadkan dil u geestay nin dhalinyaro ah oo u dalxiis tagay xeebta Jaziira xili uu isku dayay in uu ka dhaco moobeel uu watay.

Ciidamada amaanka deegaanka Jaziira ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan gacan ku dhiiglaha ah xili uu isku dayay in uu baxsado, waxa ayna ciidamada kusoo wareejiyeen Hay’adda dambi baarista CID-da oo iyana kusii wareejisay maxkamada ciidamada.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.