Home Afsomali Maxkamada ciidamada oo xakuntay Ganacsato ah oo loo heysto inay dalka keeni...

Maxkamada ciidamada oo xakuntay Ganacsato ah oo loo heysto inay dalka keeni jireen Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee ee Soomaaliya ayaa  oo Sabti ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag Ganacsato ah oo loo heysto inay dalka keeni jireen Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Raggaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 7 ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed iyo  hal eedeysane oo Baxsad ah.

Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxakamadda waxaa ay ku eedeysay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-dii ilaa 2020 ay Al-Shabaab dekadda Muqdisho uga soo dejiyeen maadooyin laga sameeyo qaraxyada iyo Agab kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Cusmaan Maxamed oo raggan Madax u ahaa lagu xukumay Xabsi daa’in halka Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed lagu xukumay min 8 sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ay siideysay Cabdisalaan Cusmaan Maxamed, kadib markii la sheegay in Maxkamadda baaritaan dheer kadib ay wax dambi ah ku weeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.