Home Afsomali Maxkamada ciidamada oo xukumo is kuugu jira dil toogasho ah...

Maxkamada ciidamada oo xukumo is kuugu jira dil toogasho ah iyo xabsi daain ku riday Dad lagu eedeeyey qaraxii Zoobe

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaal loo haystay Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa eedaysanayaasha ku kala xukuntay Toogasho,xabsi daa,in kuwo kale armar ku bisay in xoriyadooda dib loo siiyo maadaamada lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay go,aanka maxkamadda ee ku aadan eedaysanayaasha.

Xasan Aadan Isaaq Cali Maxkamadu wax ay ku xukuntay dil toogasho ah.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo Maqan waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa’in.

Sidoo kale Maxkamada yaa siideysay Eedeysanayaasha kala ahaa Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali  kaidb markii ay sheegtay in dembi lagu waayay.

14 Bishii Octoober ee Sanadkii tegay e 2017 ayaa waxaa Isgoyska Zoobe ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen in ka badan 600 ( Lix Boqol) oo qof,waxana dadka Maanta la xukumay ay ka mid ahaayeen dadkii loo qabtay qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.