Home Afsomali Maxkamada racfaanka gobolka banaadir oo baabi.isay go.aankii maxkamafa gobolku ku sii deysay...

Maxkamada racfaanka gobolka banaadir oo baabi.isay go.aankii maxkamafa gobolku ku sii deysay siyaasiga weyn ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka baaqday in uu hor tago maxkamada racfaanka

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Go’aanno culus ka qaadatay kiiska dacwadeed ee xeer ilaalinta ku soo oogtay siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur Warsame.

Go’aannada ay maxkamaddu soo saartay, fadhigeedii maanta waxay kala yihiin:

1- Inay burisay go’aankii uu Maxkamadda gobolka Banaadir ee dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin.

2- Inay buriay go’aankii maxkamadda G/Banaadir eeoo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

3- Waxaa Xeer ilaalinta Qaranka loo fasaxay baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa C/raxmmaan C/shakuur.

4- Waxaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga mamnuucay inuu ka safro magaalada Muqdisho inta ay socdo baaritaanka dacwadda loo heysto.

5- Maxkamadda Rafcaanka waxay Ganaaxday 8 Qareen oo diiday inay difaacaan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Shan kamida waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyagoo bixinaya lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Saddexda Qareen ee kale waxaa lagu xukumay inay bixiyaan Ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Go’aanandan ayaa ka dhigan inay hadda uun bilaabtay dacwadii loo heystay C/raxmaan C/shakuur, waxaana la mari doonaa kiis dacwadeed aan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.