Home Afsomali Maxkamada sare ee sacuudiga oo xukmisay in ramadaan bilaabanayo khamiista

Maxkamada sare ee sacuudiga oo xukmisay in ramadaan bilaabanayo khamiista

Wadamada Caalamul islaam ee uu hoggaaminaayo Sacuudiga ayaa soo geba gebeeyay xaqiijintii in berri ay tahay Ramadaan, waxaana laysku raacay in berri oo Arbaco ah la taamyeeli doono 30-ka Shacbaan.

Sidoo kale wadamadan ayaa waxa ay sheegeen in Khamiista ay tahay shaki la’aan maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Shacabka Muslimiinta ah ayaa tan iyo maqribkii aad u dhowrayay in berri ay tahay maalin Ramadaan iyo in kale, balse waxaa hada la isku raacay in Khamiista ay bisha Ramadaan Kowdeeda.

Cilmiga cirbixinta ayaa horey waxay u sii shaacinayeen in caawaaysan suuragal aheyn in bisha la arko, bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in berri aysan Ramadaan aheyn.

Sidoo kale guddigii ay dowladda Sacuudiga u saartay raadinta Bisha Ramadaan ayaa soo gudbiyey inay arki waayeen Bisha isla markaasna waxay Maxkamadda ugu sareyso sacuudiga ku dhawaaqday in Berri la dhameystiri doono 30-ka Shacabaan.

Wadamada kale ee looga dhawaaqay in berri 30 Shacabaan la dhameystiri doono waxaa kamid ah:

  1. Ciraaq
  2. Urdun
  3. Lubnaan
  4. Iyo dowlado kale

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Soomaaliya weli ma aysan soo saarin go’aankeeda ku aadan Haddii ay Berri soon tahay iyo haddii kale, sidoo kale ma jiro ilaa hadda gobol ka tirsan Soomaaliya oo laga arkay Bisha.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay dowladda Soomaaliya ku raacdo go.aanka sacuudiga, waxayna u badan tahay inay go’aamiso in Berri la dhameytiri doono 30 Shacbaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Umadda Islaamka ayaa isku raacay in berri aysan aheyn Ramadaan, waxaana loo diyaar garoobayaa in Khamiista dunida islaamka oo dhan si siman looga soomo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.