Home Afsomali Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) oo shaacisay xiliga ay kenya ka...

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) oo shaacisay xiliga ay kenya ka qyysaneyso baddeena

Xukunka dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si rasmi ah Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ugu dhawaaqi doontaa 12-ka October ee 2021-ka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

“Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.