Home Afsomali Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay rag ku eedeysan inay katirsan yihiin Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay rag ku eedeysan inay katirsan yihiin Al-Shabaab

Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa u fariisatey dhagaysiga dacwad loo haysto eedeysane Marshaale Cabdule Xuseen oo magaalada baardheere ku diley marxuumad Ceeblo Qorane Daahir dhaawacna u geystey Siciid Ismaaciil

Eedaysanaha oo ka tirsan ciidamada qalabka side kuwooda ka howlgala Magaalada Baardheere ayaa waxaa dhagaysiga maxkamada ka qeyb galey saraakiisha, saraakiil xigeenada Ciidamada Dowladda Maamulka Degmada ehelada marxuumada dhimatey iyo midka dhaawaca ah

Sidoo kale Maxkmada ayaa la horkeeney rag ku eedaysan in ay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab,  kuwaasi oo danbi kala duwan lagu soo qabtey

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo fulinaysa waajibaadkii loo aas aasay ayaa qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo waxay ka wadaa maxkamadeyta ciidamada danbiyada kala duwan gala sida askarigii dila askari kale islamarkaana lagu helo dambigaasi in ay xukunto kuwa bulshada rayidka dil u geysta ama lagu helo danbiyo kale in la maxkamadeeyo ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xarig ku riday askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.