Home Afsomali Maxkamadda Ciidamada Oo Maanta Xukuntay Nin Basaas Ahaa Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Oo Maanta Xukuntay Nin Basaas Ahaa Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay xukun ku riday Nin magacaabo Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo heysto in uu Al-shabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada ee Magaalada Muqdisho.

Bishii November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xereen xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed, waxaana la sheegay in xilligii lasoo qabanayey laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo, waxaana kamid ah:

Ookiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha, balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow  15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.