Home Afsomali Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Askari katirsan ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo horay tooreey ugu dilay Muwaadin kale.

Dable Bol. 513 Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa  lagu soo eedeeyay dembiga dil kas ah oo u adeegsaday Midi (Tooreey) una geysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taarikhda markay ahyd 25-kii April ee Sanadkan falkaas oo ka dhacay dagmada boondheere ee Gobolkan Banaadir.

War kasoo baxay Hay’adaha Garsoorka ee Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Sababta dilka keentay ay aheyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.

Taliska Qeybta Danbi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,  Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda  Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan, Warqada cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo Mididii uu ku geestay dilka.

08-dii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday Markale fadhiga Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye.

Qareenka u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.