Home Afsomali Maxkamadda Zimbabwe waxay xukuntay in meydkii Mugabe la soo faago

Maxkamadda Zimbabwe waxay xukuntay in meydkii Mugabe la soo faago

Madaxweynihi hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ee geeriyooday

Caaqil ku nool dalka Zimbabwe ayaa amar ku bixiyey in la soo qufo lafihi madaxweynihi hore ee dalkaasi Robert Gabriel Mugabe laguna aaso xabaalaha qaranka.

Mugabe oo geeriyooday 2019-kii ayaa lagu aasay magaalada Kutuma iyada oo amarka in halkaa lagu aasanaa uu lahaa madaxweynihi beddelay ee Emmerson Mnangagwa, iyada aas qaranna aan loogu sameeyn caasimadda Harare si la mid ah halgamayaasha dalka Zimbabwe ee geeriyooda.

Qoyska Mugabe ayaa sheegay inuu Mugabe cabsi ka qabay haddii lagu qaaso qabuuraha qaran ay hadhaagiisa ay cadawgiisa siyaasaddeed ee xukunka ka qaaday 2017-kii u isticmaalaan siyaabo kale.

Isniintina Hoggaamiye Dhaqameed ku sugan degmada Zvimba, oo ku taalla galbeedka Harare, wuxuu sheegay iney cabsaha ku aaddan halka Mugabe lagu aasay ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah odayaasha qabiilka uu Mugabe ka dhashay.

Wuxuuna oday dhaqameedku uu marwadi koobaad ee hore uu ku xukumay iney dambiile tahay maadaamaa ay baalmartay oo ay seygeeda ku aastay meel ka baxsan deegaankiisa.

Hase yeeshee goobta uu hoggaamiye dhaqameedku garta ku qaadayey Grace Mugabe ma eysan joogin, balse wuxuu marwadu uu ku xumay iney bixiso shan neef oo lo’ ah iyo shan neef oo ari ah.

  • Shan arrimood oo ku saabsan Robert Mugabe

“Oday dhaqameedku inuu awood u laheen inuu ka hadlo Kutama. Xataa haddii caaqilka saxda ah uu xukunkaasi sameyn lahaa waxaan racfaan ka qaadan laheen maxkamadda”, ayuu yiri afhayeenka qoyska Mugabe Leo Mugabe oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Geeridii Mugaabe

Robert Mugabe, wuxuu ahaa 95 sano jir, wuxuuna xilka wareejiyay sannad ka hor. Wuxuu u dhintay xannuun muddo hayay, sida ay qoyskiisa warbaahinta u xaqiijiyeen.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayaa Twitter-ka ku qoray “nabad ku naso Robert Mugabe.”

Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia.

Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

  • Maxaa lagu xasuusan doonaa Robert Mugabe?

Sooyaalka Mugabe oo kooban

  • 1924 ayuu dhashay
  • 1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian
  • 1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib
  • 1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu
  • 2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.
  • 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay
  • 2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga

Xaaskii Mugaabe

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe waxaa lagu aasay tuulo miyiga ku taalla, oo ah halkii uu ku dhashay, saddex isbuuc ka dib markii uu geeriyooday isagoo 95 jir ah.

Waxaa qabrigiisa laga sameeyay deegaan lagu magacaabo Kutama oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Harare.

Mugabe wuxuu 6-dii bishan September ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Singapore ka dib ku dhawaad labo sano markii laga afgambiyay xukunkii uu hayay 37-da sano.

Qoyskiisa ayaa go’aansaday inay aas gaar ah u sameystaan ka dib muran ay isbuucyo kula jireen dowladda.

Markii naxashka uu meydka Mugabe ku jiray qabriga la galinayay waxaa ku hareereysnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo xubno kale oo ka mid ah qaraabadiisa dhow.

Laakiin tiro yar oo ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa ayaa ka qeyb galay aaska, mana jirin mas’uuliyiin sar sare oo halkaas tagay.

  • Khilaafka aaska Robert Mugabe oo laga heshiiyay
  • Tani waa sababta aan Robert Mugabe uga cabsan jiray una xushmeyn jiray

Qabrigiisa waxaa laga dhigay meel ka mid ah daaradda guriga qoyskiisa.

Dad badan ma aysan fileynin in nin mar waddankiisa ka ahaa qof aad loo qaddariyo oo laga cabsado loo sameyn doono aa sheer hoose ah oo aan saas loo sii daneyneynin.

.
Qoraalka sawirka,Xaruunta qaran ee lagu keydiyo xasuusta halyeeyadii lasoo dagaallamay gumeysiga

Laakiin dadka qaarkood waxay arrintaas u sababeeyeen fikradihiisii siyaasadeed ee ugu dambeeyay.

Hase yeeshee wuxuusan shaki ku jirin in Mugabe uu yahay shakhsi ay si weyn taariikhda u xusuusan doonto.

Robert Mugabe wuxuu ahaa qof guul darrada neceb oo mar kasta inuu madaxiisa korreeyo jeclaa, ka hor inta aan afgambi uusan marnaba ku fikireynin lagu sameynin bishii Nofember ee sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.