Home Afsomali Maxmed Cabdi Waare Musharax aan juhdi badan ku bixinin ololaha Jowhar ka...

Maxmed Cabdi Waare Musharax aan juhdi badan ku bixinin ololaha Jowhar ka socdana

Maxmed Cabdi Waare waa siyaasi wajiyo badan  doorashada hirshabelana ku soo noqnoqday

markasta waxaa qiyaana dad uu isleyahay wey kula shaqeynayaan kuwaas oo si aan daacad aheyn ula shaqeeya kana horkeena cid kasta oo uu cod ka heli lahaa sirtiisana u gudbiya musharaxiinta kale ee tartanka kula jira

Musharaxiin Been Abuur ah oo lagu Arkey Liiska Tartamta Xilka Madaxweynenimo eeMamulka Hirshabelle kuwaas oo looga shakisan yahay in ay Musharaxiinta kaleMinxiis u yihiin

Waxaana jira dhanka kale Musharaxiin ay dhab k atahay tartanka oo juhdi badan bixinaya si mar uu u helaan kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Hirshabe

Magaalada Jowhar ayaa lagu arkay musharfaxiin durba bilaabay dacaayad raqiis ah oo ay u jeedinayaan musharaxiinta kale ee dadaalka dheer galiyey isla markaana ay dhab ka tahay

Musharax Maxmed Cabdi Waare oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in aysan dhab ka aheyn musharaxnimadiisa wuxuuna si aan ka fiirsi laheyn ugu eedeeyay qaar ka mid ah musharixiinta in ay caawineyso dowladda Soomaaliya, islamarkaana isticmaalyaan sida uu hadalka u dhigay hantida dowladda.

‘’Magaalada dhaxdeeda waxaad arkeysaa musharixiin ay ilaalinayaan ciidamadii Qaranka sidoo kalana wata ama isticmaalaya gadiid ay dowladdu leedahay, ‘’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Isaga oo ka qeyb-galayay dood ka baxday TV –ga SomaliCable ayuu sheegay in ay musharixiinta qaar isticmaalayaan sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka iyo gadiidka dowladda dhexe laguna ilaalinayo magaalada.

Waa uu ka gaabsaday in uu sheego magacyada musharixiinta dowladda taageerada ka helaya, hasse ahaatee waxaa uu ku booriyay dhinacyada oo dhan in sharciga loo hogaasamo.

‘’ “Beesha caalamka waa ay aragtaa waxa dhacaya hadhow waxaa la leeyahay beesha caalamka maxay noo caawin weyday haddii sharciyada laga leexdo qaanuunka dowligana laga leexdo sidee naloo caawinayaa.”ayuu is weydiiyay musharax Waare

Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle kaddib markii doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, waxaana uu hadda ka mid yahay musharixiin sida gaarka ah loo hadal hayo ee la filayo in auy keenaa 00000 S Ol’olaha doorasho ee socda.

ayaa durba isku gadaamay kaaliyayaal iyo hoos joogayaan shacabka soo siyaarana una diiday in ay lakulmaan una balaaminaya asbuuc ka dib oo ku beegan marka ay dhamaato howsha doorashada ee haatan ka socota magaalada jowhar,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.