Home Afsomali Meel uu dhagax roob ahaan uga da’o, baddeeduna ay tahay dab iyo...

Meel uu dhagax roob ahaan uga da’o, baddeeduna ay tahay dab iyo Ma wax baa naga galay?

Meeraha loo yaqaanno K2-141b, roobkiisu waa dhagaxyo, waxaa ku taalla bad dab ah oo hoos u qodan ilaa 100km, dabeyshiisuna waa mid afar jibbaar ka dheereysa xawaaraha uu ku socdo codka.

“Kani waa meere si dhab ah u jira, oo cimiladiisu ay tahay xad dhaaf, waxaa ka da’a dhagax macdan ah, dabeyshiisuna aad bay u dheereysaa,” ayuu BBC-da ku yidhi Tue Giang Nguyen, oo ah cirbixiyeen iyo qoraa.

“Ma aha meel farxad loogu noolaan karo, laakiin waa meel daggan oo lagu daraaseyn karo waxyaabaha qallafsan ee lagu arko dhulka aan ku nool nahay!” ayuu sii raaciyay barfasoorka ay isla shaqeeyaan ee lagu magacaabo Nicolas Cowan.

Labadan khabiir, oo ay wehliyaan cirbixiyeenno kale oo u kala dhashay Hindiya iyo Canada, ayaa daabacay buug ay ka qoreen helitaanka meeraha K2-141b, oo ah meel sida dhulka oo kale ah balse dhagaxyo badan… ama laga yaabo inaysan dhulka lamid ahayn.

Kusoo dhawoow ‘meeraha dabka ah’

K2-141b, oo sidoo kale ay cirbixiyeennada ku magacaabaan EPIC 246393474.01, wuxuu ku yaallaa fogaan lagu qiyaaso meel iftiinkeeda loo socon karo 202 sano.

Goobtaas waa meel waqtigeeda uu aad u ordo. Markii la joogo meeraha K2-141b, halkii sano wuxuu ku dhammaadaa wax ka yar toddobo saacadood, sida ay seynisyahannada sheegeen.

Waxaa loo arkaa inuu xoogaa ka qabow yahay qorraxdeenna, aad buuna u fog yahay ilaa heer aan dhulka laga arki karin.

“Waa meere dab ka sameysan,” ayey dhaheen seynisyahanno falanqeyn ku sameynayay islamarkaana macluumaad ka diyaarinayay mar ay daraasad u gudbinayeen macadka waxbarashada seyniska ee Hindiya (oo ku yaalla magaalada Kolkata), York University (oo ku taalla Toronto, Canada), iyo jaamacadda McGill ( oo ku taalla Montreal, Canada).

Sidoo kale waa “dhul cajiib ah oo awood badan”, sababtoo ah, inkastoo uusan aad uga weyneyn dhulkeenna, haddana cuf isjiidadkiisa wuxuu qiyaastii shan jeer ka weyn yahay kan dhulka ( taasi micnaheeduna waa in meeraha K2-141b cuf isjiidadkiisa dhulka uu shan jeer ka xoog badan yahay kan dhulka).

Inkastoo meeraha K2-141b markii ugu horreysay la helay sanadkii 2018-kii, oo uu helay mashruuca Kepler Space Telescope’s “K2 mission,” haddana cilmibaareyaasha hadda uun ogaanaya mucjisooyinkiisa

Sidey u egtahay cimilada?

Bal ku fikir dab dhulka socda iyo dhagaxyo sida barafka u qabow oo dusha kasoo da’aya, kaddib waxaad fahmeysaa sida uu yahay meeraha K2-141b

Inkastoo meeraha K2-141b uu xiddigiisa ku dul wareegto saacado gudahood, haddana si toos ah uma wareegto sida dhulka ooo kale.

“Taasi micnaheeda waa in saddex meelood labo ka mid ah meeraha ay u baxsan yihiin dhinaca iftiinka, heer kulkana wuxuu gaari karaa ilaa 3,000C,” ayuu yidhi Barfasoor Cowan.

Taas kasoo horjeedkeedana, qeybta kale ee soo hartay waxay mar walba ku jirtaa mugdiga, heer kulkeedana wuxuu u qaboobaa ilaa -200C.

Isbadalladan cajiibka ah ee cimilada waxay abuurayaan jawi aad xad-dhaaf u ah… waana waxa ay cirbixiyeennadu ku magacaabeen “roob dhagax ah”.

‘Wax layaab leh balse dhab ah’

Waxa aad niyadda ku heyneysid waa in meerahan wax kasta oo yaalla ay ka sameysan yihiin dhagax,” ayuu yidhi Barfasoor Cowan.

Kuleylka ka dhalanaya qeybta iftiinka dhiniciisa u baxsan ee maalinta u ah meerahan “waa mid aad u sarreeya oo gaaraya heer uu dhagaxyada dhalaaliyo. waa wax layaab leh balse dhab ah oo jira!”

“Laakiin qeybta mugdiga ah ee habeenka sameysa ma laha wax kuleyl ah, waana sababta ay u noqoto qabow xad-dhaaf ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ma wax baa naga galay?

Sheekadan waa mid xiiso leh, laakiin muxuu yahay waxa annaga naga khuseeya?

“In la daraaseeyo meeraha K2-141b waxay naga caawineysaa inaan fahanno taariikhdii hore ee dhulka uu soo maray cimilo ahaan, maadaama uu mar ahaan jiray mid aad u kulul,” ayuu yidhi qoraaga hoggaaminayay cilmibaaristan, Mr Nguyen.

“Meerayaasha dabka ah waxay fursad noo siinayaan inaan qiimeyno xaaladda uu hadda ku sugan yahay dhulkeenna,” ayuu sii raaciyay Barfasoor Cowan.

“Meerayaasha dhagaxa leh, ee uu dhulkeenna ka mid yahay, waxay kasoo billowdeen kuleyd daran laakiin markii dambe ayey soo qaboobeen.”

Sidaas darteed in waxyaabo badan laga ogaado K2-141b, waxaan ku hormarin karnaa fahankeenna ku aaddan sida uu noqon karo dhulka aan ku nool nahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here