Meydka 3 qof oo la karfanay isla markaana duugoobey ayaa laga helay goob ganacsi oo ku taalla Suuqa degmada Xamar-weyne gaar ahaan dhulka kawaanka Hilibka inta u dhaxeysa jidka laamiga ah ee ku teedsan saldhiga bolice ka afar irdood
Meydadkaan si aan wqx badan uga ogaado ayaan weydiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka saldhiga afarirdood .
Sarkaalka oo aan is garneynay ilaa ciyaalnimadeenii ayaa ii sheegay in meydadkaani ay ahaayeen kuwa baaliyoobey wuxuuna tibaaxay in halkaan lagu aasaybxiliyadii dagaalkii 4 biloodka
Balse dad badani u qaateen arin cusub
Wuxuu ii sheegay in dhulka xabaashaan lagu arkay uu leeyahay kawaanka ayna aheyd dhul u banaan hase yeeshee si sharci daro ah lagu dagay looga kala iibsado ilaa hada
Sidaa darteed wiilka dukaan lahaa oo isagu iibsaday mardhow ayaa damcay in uu dib u habeyn ku sameeyo ayaa shaqaale galiyey oo buburin ku bilaabay
Shaqadii markii ay socotay xoogaa laga qoday dhulka ayaa loogu tagay ilaa 3 meyd oo goor hore lagubaasay wuxuuna wargaliyey ciidanka bolice ka oo aan ka fogeyn goobta
Arintan oo dadka reer Xamar weyne ku noqotay la yaab iyo fajac .ciidanka bolice ka ayaa haatan baaraya cida ay ahaayeen iyo sababta ka dambeysa dhimashadooda iyo weliba xiliga la dilay lana aasay.
Waxaa xusid mudan in halka ay ku taal goobta ganacsi ee meydadka lagu arkay ay ahaan jirtay dhul u banaan dhismaha kawaanka hilibka ee dagmada xamar weyne balse haatan lagu dagan yahay si KMG ama sifo sharci daro ah lana kala iibsado
Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray Wiil la sheegay inuu lahaa goobta ganacsiga ee meydka laga helay iyo hooyadiis, waxaana socda baaritaano ku la doonayo in lagu ogaado macluumaad intaa ka badan