Home Afsomali Meydad Muqdisho lagu aasay 6lixmaalmood ka dib

Meydad Muqdisho lagu aasay 6lixmaalmood ka dib

Sida ay xaqiijiyeen saxaafada Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka dadkii lagu dilay Bariire Waxaa goordhaweyd  Magaalada Muqdisho lagu aasayaa Meydadka dadkii lagu dilay Bariire 25-kii Bishaan.

Meydadka oo ku jiray Qaboojiye ama Talaagad ayaa goor dhaw laga saaray Isbitaalkii ay ku jireen ee Magaalada Muqdisho waxaana goobta lagu aasayo ku sugan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Dowladda iyo Ehelada dadkii lagu dilay Bariire ay isku afgarteen in la aaso meydadka Islamarkaana ay ogolaadeen Odayaasha dadkii la dilay iyo Ehelada dadkaasi.

Warar kale oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya In Dowladu iyo Odayaasha deegaanka ay isku afgarteen in Maydadka la aaso lacagta duugtana ay bixineyso Dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira Heshiisyo kale oo laga gaaray weerarkii ka dhacay Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Ehelada dadka la dilay ayaa Xaqiijinaya in Natiijadii ka soo baxday Baaritaanka dadkii lagu dilay bariire lala wadaagay Odayaasha iyo Xildhibaanada dadka dhibka gaaray Balse sida ay wax u dhacaan aan lala wadaagi doonin warbaahinta.

Golaha Wasiirada ayaa suurta gal ah in ay ka hadlaan Baaritaanka Balse waxaa la filayaa in si toos ah warbaahinta loola wadaagi doonin waxa lagu xaliyay iyo Natiijada Rasmiga ah ee soo baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.