Home Afsomali Meydadla diiday in la aaso iyo Dowlada oo baareysa

Meydadla diiday in la aaso iyo Dowlada oo baareysa

Ehelada dadkii saaka ay ciidamada AMISOM ku dileen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aasi doonin meydadka afarta ruux illaa caddaalada laga horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkooda.

Afartan ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen rasaas ay fureen ciidamada AMISOM kadib markii ay miino la qaraxday mid kamid ah kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Qaar ka mid ah ehelada dadka la dilay ayaa Isbitaal Madiina ku soo bandhigay meydadka afar ah waxayna sheegeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta dadkii dambeeyay falkaasi cadaalada la horkeeno.

Eheladan ayaa waxa ay ka dalbadeen dowladda inay waxka qabato falkii saaka lagu dilay afar ruux oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Afarta ruux ee la dilay oo magacyadooda lagu kala sheegay Qaasim Daahir Kheyre,Xasan Yuusuf Siyaad,Cali Shire Ugaas iyo Axmed maxamuud Baseey ayaa ahaa darawalo u yimid garaash gaadiidka lagu xareeyo oo ku yaal  Ex-koontorool Balcad.

dhanka kale  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u dhignaa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, waxa ayna bulshada la wadaagi doontaa wixii ka soo kordha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.