Home Afsomali Meydka madaxweynihii hore Emilio Mwai Kibaki oo dhar isku joog ah iyo...

Meydka madaxweynihii hore Emilio Mwai Kibaki oo dhar isku joog ah iyo kabo loo galiyey oo wadooyinka Nairobi lagu soo bandhigay ( DAAWO SAWIRADA )

Xarunta Baarlamanka Kenya ayaa waxaa saaka la geeyey Maydka Madaxweynihii hore ee Kenya Emilio Mwai Kibaki oo geeriyooday maalmo ka hor si shacabka dalkaas loogu ogolaado daawashadiisa laga bilaabo 25-ka Abriil ilaa Arbacada, 27-ka Abriil 2022,

Meydka Emilio Mwai Kibaki ayaa gaari `lagu dhex mariyey wadooyinka Nairobi waxaana la geeyey dhismaha baarlamaanka halkaasoo meydka lagu booqan doono muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo maanta.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Marwada Koowaad ee dalka Margaret Kenyatta ayaa gaaray Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Nairobi si ay u arkaan meydka Kibaki.

Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa geeriyooday JImcihii isagoo 90 jir ah.

Kibaki wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya, wuxuuna xilka hayay muddo 10 sano ah oo u dhexeeysay 2002- 2012-kii.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka galay xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo Madaxweynaha hore iyadoo Calanka dalkaasi hoos loo dhigay.

 

 

Previous articleNin Cabsanaa oo Haweeney caan ka aheyd barta Tiktok iyo wiil yar ku dilay Boosaaso
Next articleGudoomihii Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mar kale gudoomiye dib loogu doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.