Home Afsomali Meydka Nin kale oo u dhintay baahi iyo haraad ayaa mar kale...

Meydka Nin kale oo u dhintay baahi iyo haraad ayaa mar kale lagu arkay qeybo ka Mid ah dalka

Xili ay jiraan abaro ku dhuftay dalka ayaa waxaa isa soo tarayo dadka iyo duunyada ugu dhimanaya xaaladaha abaarta in kasta oo ay u badan yihiin xoolaha la dhaqdo ugaar warkeeda haba sheegine

Hadaba waxaa saaka lagu arkay miyiga deegaana hoos taga magaalada burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal nin oday ah oo u dhintay baahi iyo haraad.

Waxaa  Abaaro ba,an ay ka jiraan Dhamaan Gobalka dalka kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada ayaa marka laga soo tago  dadka ay xoolihii abaartu kalaysay  haatan waxaa jira dad u geeriyooday Abaarta Darteed  ka dib markii ay waayeen biyo iyo Waxii ay Ku Noolaan lahaayeen.

Deegaanka Qaarkood  ayaa La Sheegayaa  in ay  ku dhinayaan dad farabadan kuwaas oo abaartu ay saamaysay  markii ay waayeen biyo ay cabaan Kadib Markii ay Tageen Ceelbiyood Ka  Agdhowaa in ay biyo u raadsadaa balse ay Waayeen.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.