Home Afsomali Meydka Wiil 8 jir ah oo laga helay duleedka Gaalkacyo qeybo ka...

Meydka Wiil 8 jir ah oo laga helay duleedka Gaalkacyo qeybo ka mid ah xubnihiisane la cunay

Meydka wiil 8 sano jir ayaa bahal ku cunay meel la yiraahdo caska oo cabaar u jirta Jaamacadda Bariga Afrika  oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Wiilka ayaa markiisii hore wuxu ka soo lumay inta u dhaxaysa saldhiga Miir ilaa Buulo bacley, maydkiisa ayaa waxa la tusay eheladiisa, waxaana  baarey Booliska Gaalkacyo.

Meydka ayaa wuxuu meesha yaallay ku dhowaad Asbuuc sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Bahalka weerarka u gaystay ilmahan oo aan la ogeyn waxaa uu ahaa ayaa markii hore ka dilay madaxam wuxuuna cunay lug iyo gacan

Ma jiraan wax lagala baxay xubnaha jirkiisa sida beerka ama Kalyaha sidaaas waxa xaqiijiyey Laamaha amaanka degmada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.